Xog: Sababta ay DF u qortay WARQADDA cusub ee ay u dirtay dowladda KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay waraaq lagu soo bandhigay warbaahinta oo toos ugu socotay dhigeeda Kenya, taasi oo ay uga dalbaneyso xukuumadda Nairobi inay caadi ku soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey labada dal, xili ay bil ka hor DF ku dhawaaqday inay dib usoo celisay xiriirkaas.

Sida ay Caasimada Online u sheegen xubno sarre oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, waraaqdaas ayaa waxaa dalbatay dowladda Kenya oo ayadu ku qanacsaneen qaabkii hore ee dowladda u shaacisay in lasoo celiyay xiriirkii ay hore u jartay.

Kenya ayaa ku qasabtay dowladda federaalka inay qaado tallaabadan, kadib markii ay diiday in dib loo furo safaaradaha labada dal, oo albaabada loo laabay, tan iyo markii ay Soomaaliya ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay Kenya.

“Waraaqda ay soo saartay wasaaraddu ee ku saabsan soo celinta xiriirka labada dal waxay qeyb ka tahay dalab ay hore usoo gudbisay dowladda Kenya oo ay ku xirtay furitaanka safaaradaha labada dal oo aan si rasmi ah u shaqeyn,” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha la hadlay Caasimada Online ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda dalka.

Waraaqda ay dowladda Soomaaliya sida tooska ah ugu dirtay Kenya ayaa waxaa loo yaqaana “Note Verbale”, waana marinka diblomaasiyadda ee la adeegsado marka ay dowladaha wada xiriirayaan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u soo bandhigeysaa bogaadinteeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kenya, waxaana sharaf u ah in aan mar kale ku celino in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay caadi ka dhigeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda ee ku socday Kenya.

“Iyadoo laga duulayo daris wanaagga, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Jamhuuriyadda Kenya in ay dib u furto howlihii diblomaasiyadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay si is-daba-joog ah safaaradda uga furayso Kenya. Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa bilowga wadahadalada labada dal u dhexeeya.”

Kenya ayaa kal hore dood ka keentay qaabkii ay dowladda Soomaaliya u soo celisay xiriirka, waana sababta keentay in dowladda Kenya ay ku qanci weydo ogeysintii Warbaahinta kaliya la mariyay ee xiriirka lagu soo celinayay, islamarkaana loo baahan yahay in Soomaaliya ay si toos ah warqad ay kaga codsaneyso u dirto Kenya.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaalada ayaa shir jaraa’id oo uu 6-dii bishii May 2021 ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyey in dib loo soo celiyay xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo ay hore u jartay dowladda.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa maalmo un kadib markii ay Kenya si lama filaan ah dib ugu furtay duulimaadyadii Soomaaliya, kuwaasi oo ay hore u joojisay dowladda Kenya illaa muddo saddex bilood ah.