Shabakad isku xiran oo Al-Shabaab ah iyo sarkaakiil oo lagu qabtay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Sanyare ayaa wariyeyaasha u sheegay in howl-galkan lagu qabtay saraakiil iyo dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragga gacanta lagu dhigay ay ahaayeen shabakad isku xiran oo dilal qorsheysan ka geysta koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sidoo kale xusay in raggaasi ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana la horkeeni doono cadaaladda.

Waxaa kale oo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka ee fuliyay howl-galkaasi lagu soo qabtay shabakaddan isku xiran ee uu sheegay inay ka dambeeyeen weeraro iyo dilal qorsheysan oo dhowaan ka dhacay xaafado ka tirsan gudaha magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii u dambeeyey sare u qaaday howl-gallada laga sugayo amniga ee ka socda magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug.