25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Duulimaadyo toos ah oo ka dhex-bilaabanaya Muqdisho iyo Dar es Salaam, Tanzania

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Tanzania ay si rasmi ah ugu heshiiyey in dib loo billaabo duulimaadyadii tooska ahaa ee ganacsiga ee isaga kala gooshi jirey caasimadahooda Muqdisho iyo Dar es Salaam, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo xiriirka labada dal iyo fududeynta isku xirnaanta gobolka.

Heshiiskan ayaa lagu shaaciyey xilli lagu guda jirey dabaaldegga munaasabadda 65-guurada ka soo wareegtay xorriyadda Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Dar es Salaam. Munaasabadda ayaa sidoo kale goob joog u ahayd dib u furitaanka safaaradda Soomaaliya, kaddib dayactir ballaaran oo lagu sameeyay — taasoo ah tallaabo astaan u ah dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania, Mbarouk Nassor Mbarouk (oo wakiil ka ahaa wasiir Maxamuud Thaabit Kombo), ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ka wada shaqeynayaan sidii loo casriyeyn lahaa heshiiskooda adeegga hawada (Bilateral Air Services Agreement), si loo suurtageliyo duulimaadyo toos ah oo aan sii marin magaalooyin kale sida Nairobi iyo Addis Ababa. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in xiriirka dhanka hawada ee la cusbooneysiiyay uu sare u qaadi doono ganacsiga, dalxiiska, iyo isku socodka xamuulka, isla markaana uu kobcin doono iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka dadweynaha labada dal.

Wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ballaarinta joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna iftiimiyay horumarka laga gaaray dhismaha hay’adaha qaranka iyo dib-u-heshiisiinta gudaha.

Waxay sidoo kale shaaciyeen qorsheyaal lagu aasaasayo guddi wasiiro oo wadajir ah iyo guddi saaxiibtinimo oo baarlamaani ah si ay u kormeeraan una dardargeliyaan horumarka laga gaarayo dhinacyo badan oo iskaashiga ah. Wasiirka Soomaaliya ayaa ammaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Tanzania, isagoo ku tilmaamay inay yihiin isku xire muhiim ah iyo buundo dhaqameed oo u dhexeysa labada waddan.

Wadahadallada laba geesoodka ah ayaa sidoo kale lagu lafa guray qabyo-qoraallo heshiisyo cusub ah oo ku saabsan qeybaha muhiimka ah sida socdaalka, waxbarashada, duulista rayidka, kalluumeysiga, iyo beeraha. Labada dowladood waxay ballan qaadeen inay dejiyaan qaab-dhismeed iskaashi oo nidaamsan si loo xaqiijiyo wada-shaqeyn iyo isku-duwid joogto ah oo ku aaddan dhinacyadan muhiimka ah.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay ku biiritaankii dhowaa ee Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC). Labada dhinacba waxay soo dhoweeyeen tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid taariikhi ah oo muhiim u ah is-dhexgalka Soomaaliya ee gobolka, taasoo la filayo inay horseeddo fursado cusub oo iskaashi dhaqaale iyo wada-shaqeyn xuduudaha ah.

Dib u furitaanka safaaradda iyo dib u bilaabidda duulimaadyada tooska ah, Soomaaliya iyo Tanzania waxay galayaan marxalad cusub oo iskaashi istiraatiiji ah, kaasoo ku dhisan is-ixtiraam iyo dano gez ah.

- Advertisement -

Read more

Local News