Washington (Caasimada Online) – Bilyaneerka caanka ah ee Elon Musk ayaa bartiisa bulshada ee X ee hore oo oran jiray Twitter kaga dhawaaqay inuu ka tagay shaqadii uu u magacaabay madaxweyne Donald Trump, oo ah xubinamada guddiga kharashka dhimmista ee madaxweynaha.
Musk ayaa sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaa shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxaana uu uga mahadceliyay Trump fursadda uu siiyay.
Waxaa uu gacan weyn ka geystay olole ballaaran oo lagu dhimayo baaxadda tirada shaqaalaha ee dowladda Mareykanka sla markaana kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda shaqada laga ceyriyay.
Intii uu xilkan hayay, Musk waxaa la xiray Hay’addo ay kamid tahay USAID, iyada oo la dhimmay shaqaale faro badan.
“Aad baan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Trump fursaddii uu i siiyay inaan u adeego dalka. Waa waayo-aragnimo adag, laakiin wax badan aan ka bartay.” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay X.
Tegistiisa ma aha mid lama filaan ah, waxayna ku soo beegantay maalin uun ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump.
Waxaa uu ninkan kaalin weyn ka qaatay isbedellada uu maamulka Trump ka waday gudaha dalka Mareykanka.
Si kastaba, Elon Musk ayaa sidoo kale la filayaa in haatan diiradda uu saaro hawlihiisa ganacsi ee tiknoolojiyadda sare iyo sahaminta cirka.