Email uu wasiir Beyleh ku dalbanayo in $5 milyan loo wareejiyo akoon gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu-duwihii hore ee kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa bartiisa twitter soo dhigay email uu u diray wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, oo uu Bankiga Dhexe ku weydiistay in lacag shan milyan oo dollar ah lagu shubo account gaar ah.

Email-kan ku taariikheysan bishii March ee 2019 ayaa loo diray guddoomiye ku xigeenka Bankiga Dhexe, wuxuuna u qornaa sida:-

“Dear Maryam,

“Subax wanaagsan. Sida aan ka wada-hadalnay, waxaan kaa codsanayaa inaad si deg deg ah u qaaddo tallaabooyinka soo socda.

1. Laba milyan oo dollar ka wareeji lacagta Sacuudiga
2. Hormuud waxay 2.5 milyan oo dollar keeni doontaa kowda bisha April, 2019.
3. Nus milyan waxaa laga soo wareejin doonaa STA (Faadumo ayaan kala hadlay inay sameyso sidaas).

“Lacagahan marka la isku darto waa shan milyan oo dollar. Fadlan ku wareeji akoonka AMNIGA, waxaa loo isticmaali doonaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga”.

Jay Bahadur ayaa u muuqday inuu dhalleeceynayey hanaanka maaliyadda dowladda, wuxuuna yiri “Astaan muujineysa horumarka DF ka samaysay hanaanka maaliyadda.

Emailkan ahaa March 2019, oo uu wasiirka maaliyadda ku dalbanayo in akoon hoosaad loogu wareejiyo 5 milyan oo dollar, isaga oo kaliya sidaas ku samaynay wicitaan taleefon oo loo diray Bankiga Dhexe.”

Bahadur ayaa goor dambe sharxay inuusan ula jeedin inuu wasiirka ku dhalleeceynayo musuq-maasuq, balse uu tilmaamayey kaliya arrin uu hanti-dhowraha qoranka walaac ka muujiyey.

Beyleh oo arrintan ka jawaabaya ayaa sheegaya in tani ay tahay “si wax xun u fasir ceeb ah” oo laga sameeyey email sharci ah, si loogu wiiqo dadaalalda deyn-cafinta Soomaaliya.

“Waa murugo in kuwa markasta wax mucaarada ay doonayaan inay hor-istaagaan taageerada caalamiga ah ee deyn-cafinta Soomaaliya ayaga oo samaynaya si wax u tarjun ceeb ah, oo ay u adeegsanayaan emailo sharci ah oo gaar ah oo ay ku heleen si sharci-darro ah. Habkeena maaliyadda waa mid adag, oo cad oo horumarsan, islamarkaana sii hormaraya maalin kasta. Waxaa naga go’aan is-beddel.” Ayuu yiri wasiir Beyleh.