Erdogan iyo BIN SALMAN oo ka hadlay arrinta dilka suxufi Jamal Khashoggi

Istanbul (Caasimada Online)- Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in Madaxweyne Erdogan iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan ku wada hadleen khadka Telefoonka.

Wakaalladda waxa ay sheegtay in wadahadalka labada mas’uul uu ahaa mid ay codsatay Dowladda Sacuudiga.

Labada Hoggaamiye waxa ay si qoto dheer uga wadahadleen arrinta xiisa leh ee dilka suxufiga Jamal Kashoggi oo bilowga bishan ka dhacay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Bin Salman waxa uu sheegay in dowladiisa ay aad usoo dhaweyneyso baaritaanada socda, waxa uuna ballanqaaday in sharciga ay hortagi doonaan kuwa lo ohayo kiiska dilka Jamal Kashoggi .

Sidoo kale, Hoggaamiye Erdogan ayaa Bin Salman u xaqiijiyay inay sii wadi doonaan baaritaanka ay wadan waxa uuna cadeeyay in wixii ku saabsan arrinta Jamal Kashoggi ay soo bandhigi doonan.

Sidoo kale, Wakaalladda Wararka anadolu kuma aysan fogan faahfaahinta Natiijada wada hadalka khadka Telefoonka ku dhex maray Erdogan iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS).

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Sacuudiga ay la kulmeyso cadaadis, iyadoo dowladaha hormarsan ay ka arrinsanayan sida ay ka yeeli lahaayen dowlada Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com