Erdogan iyo Netanyahu oo hadallo kulul is waydaarsaday iyo xaaladda oo meel xun mareysa

Ankara (Caasimadda Online) – Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.

Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.

Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco.

Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus.

“Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd?

“Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray.

Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in falastiiniyiinta haday aqbalaan Qudus inay caasimadd u tahay Irael waxay soo dadajineysaa arrintaas nabadgalyada.

Hadalkaani ayuu yiri ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaa uuna Netanyahu uu ku booriyay Macron in tallaabooyin geesinimo leh laga qaato falastiin.

Dhankiisa madaxweyanha Faransiiska ayaa sheegay in nabadgelyada Qudus ay ku jirto gacmaha hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel aysana ku jirin gacanta Mareykanka.

Madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump ayuu yahay mid aan la aqbali karin.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dad badan oo isugu soo baxay magaalada Istanbul u sheegay in uusan Qudus ooga haraynin xukuumad “carruurta laysa”.

Netanyahu-na wuxuu sheegay in hogaamiyaha Turkigu “uu weeraray Israa’iil”.

“Hadal kama dhagaysto hogaamiye uu damiirkiisu siiyay in uu duqeeya tuulooyinka Kurdiyiinta ee ay dagan yihiin dadka asal ahaan Turkida ah, kaas oo xira saxafiyiinta, Iiraanna ka caawiya in ay jabiso cunoqabataynnada caalamiga ah, kaas oo caawiya argagixisada ay ku jiraan kuwa Qaza ee laaya dadka aan waxba galabsanin, ayuuna sii raaciyay.

Erdogan ayaa Qaza ku tilmaamay “khad cas” oo arrimaha Muslimka ah wuxuuna ka digay in Turkigu ay soo afjari doonaan calaaqaadkii dublamaasi ee ay la lahaayeen Israa’iil arrinta Qudus awgeed.

Turkiga iyo Israa’iil ayaa calaaqaadkooda dublamaasi soo celiyay sannadkii hore uun lix sano ka dib markii uu Ruushku Turkigu calaaqaadka u jaray, iyadoo uu Turkigu ka mudaaharaadayay sagaal ruux oo Turki ah oo Falastiiniyiinta taageersanaa kuwaas oo ay isku dhaceen kumaandoosta Israa’iil iyaga oo saaran Markab oo isku dayaya in ay jabiyaan go’doomin lagu hayay Qaza.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com