Miinooyin laga soo saaray Garoonka Kubada Cagta Banaadir iyo cabsi weyn oo jirto

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in miinooyin laga soo saaray Albaabka hore ee garoonka Kubadda Cagta banaadir halkaas oo uu galabta ka dhacayo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyo Gobolka Banaadir iyo Galmudug.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Albaabka Weyn ee Garoonka Banaadir in laga soo bixiyay Miinadasi ka hor inta aysan qarxin.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa sidoo kale Gudaha Garoonka Koonis waxa ay ka wadaan baaritaano kale oo ku aadan ogaanshaha in miinooyin kale ay ku jiraan gudaha.

Kumanaan qof ayaa ku qulqulayey garoonka iyadoo ay dhawr saac ka dhiman tahay kulankaas adag, waxaana hadda muuqato inay jirto cabsi weyn oo ku aadan in Miinooyin kale ay jiri karaan.

Dadweyne badan ayaa la arkayaa iyagoo dib uga soo noqonayo garoonka, maadaama ay cabsida meel weyn gaartay, sidoo kalana dadweyne aad u badan ayaa ku dhex jiro garoonka oo saacado ka hor halkaask u xarooday maadaama ay ka cabsanayaan inuu garoonka xilli hore ka buuxsamo.

Wasaaradda Dhalinayarada iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in Ciyaarta u dhaxeysa xulalka Banaadir iyo Galmudug ay dhici doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com