Xildhibaanada golaha shacabka oo si kulul uga hadlay xaaladda Qudus

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanada  Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda Magaalada Qudus.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado tilaabadii Madaxweyne Trump ee Qudus kaga dhigay Caasimadda Is’raaiil.

Waxa ay sidoo kale tilmaamay in ay soo saari doonaan Go’aan Mid ah oo ka dhan ah hadalka Trump.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha SHacabka ayaa doodaya ka miisaaniyadda Dowladda ee 2018,maadaama ay muhiim u tahay howlaha Dowladda.

Miisaniyadda Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa gaareysay 274 Milyen oo Dollar,taasi oo ka badan miisaaniyadii 2017,ilaa 14 Milyen,waxaana horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Sida uu qabo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha SHacabka,marka la ansixinayo hindise sharciyeed kasta amma miisaaniyad kasta waxaa la marsiiyaa aqrinta koowaad iyo tan labaada iyadoo kadib loo gudbo ansixinta oo inta badan u dhacda qaab gacan taag ah.

Khudbad uu Guddoomiyaha ka jeediyay kulankii Xildhibaanada ee maanta ayuu sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Qudus.

“Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gor gortan ka gali meyso lahaanshiyaha Qudus, Qudus waa magaalo ku taalo dhulka falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com