Erdogan oo arrin xasaasi ah ku eedeeyey la-taliyaha Biden

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa si toos ah ugu eedeeyey sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Joe Biden ee Mareykanka “inuu taageero oo uu maamulo” kooxaha mintidiinta ah, sida kooxda kurdishka ee PKK.

Erdogan ayaa weriyayaasha u sheegay in Brett McGurk, oo ah isku xiraha Golaha Amniga Qaranka Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika uu aad ugu dhow yahay kooxda PKK ee Turkey, iyo kooxda kale ee xiriirka la leh ee YPG ee dalka Syria.

“Waxa uu xaqiiqdii taageerayaa argagixiso,” ayuu Erdogan yiri. “Waa agaasimaha PKK iyo YPG. Dabcan hadalkeyga wuxuu walaacin doonaa dadka qaar. Waan ognahay taas.”

Erdogan ayaa sheegay in McGurk uu si toos ah ula shaqeynayo kooxaha argagixisada ee gobolka.

“Arrintan aad ayey ii dhibeysaa, wuxuu hub ka qeybinayaa gobol aan isku dayeyno inaan argagixisada ka xaalufino,” ayuu yiri.

McGurk oo maamulladii Trump iyo Biden u qaabilsanaa ergeyga ka hortagga argagixisada Daacish, ayaa loo arkaa inuu yahay maskaxda isku xireysay Mareykanka iyo kooxda YPG ee Syria intii ay dagaalka kula jireen Daacish.

McGurk ayaa si gaar ah u qabtay indhaha Turkey kadib markii uu horraantii 2016 aqbalay abaal-marin uu siiyey taliyaha YPG.

Turkey ayaa la dagaalameysay PKK tan iyo 1984-kii, markii kooxdan ay billowday ololaheedii ugu horreeyey ee ay dal Kurdish ah uga goyneyso Turkey. Kooxda ayaa iminka sheegta inay is-maamul ballaaran u dooneyo Kurdiyiinta Turkey. 

Dagaalka ayaa la rumeysan yahay in tan iyo markaas ay ku dhinteen 40,000 oo qof. Turkey, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa dhammaantood u aqoonsan PKK urur argagixiso.