Rooble oo war kasoo saaray xiisadda Galmudug iyo soo rogaal-celinta Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay dagaallada kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo maamulka Qoor Qoor.

Ahlu-Sunna ayaa Jimcihii qabsatay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan iyo sidoo kale tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud, kadib markii shacabka ay aad usoo dhoweeyeen, ciidama qaarna u goosteen, ayaga oo iska diiday maamulka Qoor Qoor ee fadhiidka noqday.

Hoos ka aqriso qoraalka Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.

Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada  Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado  tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.

Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.

Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan .

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.