Jubaland oo jawaab rasmi ah ka bixisay gefkii Cali Kadiye u geystay qoyska IKRAAN

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa looga falceliyey hadallo xanaf leh oo kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, Cali Kadiye oo si la yaableh oo dad badana ay ka caroodeen uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil.

Ugu horreyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray mas’uulkaasi oo uu tilmaamay inuu si cid ugu gefay qoyska Ikraan Tahliil.

Sidoo kale wuxuu xusay in Jubbaland ay qoyska Ikraan iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ka raali-gelineyso hadalkaas oo uu tilmaamay inuu kasoo baxay dad aan xilkas aheyn, misana ay wakiisheen shaqsiyaad ka tirsan NISA, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka raaligalinayaa umadda Soomaaliyeed hadallada ay ku hadleen kuwa aan xilkaska ahayn ee ay sida sharci darrada ah ay uwakiisheen shaqsiyaad kamid ah NISA,” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale intaasi ku daray in arrintani ay ceeb ku tahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, maadaama uu isagu wakiishay mas’uuliyinta uu kasoo baxay hadalkaasi.

“Waan hubaa Madaxweyne Farmaajo ay ceeb ku tahay arrintan, maadaama uu hadalka kasoo yeeray kuwii uu isagu u wakiishay gobolka si dastuurka iyo shuruucda dalka baalmarsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guddoomiyaha maamulka degmada Luuqa, Cali Kadiye oo ka hadlayey arrinta Ikraan Tahliil Faarax uu shaaciyey in kiiskeeda uu gaaray in dalka loo dumiyo, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Mar haddii ay noqotay dhiigeedii iyo kiiskeedii wax Dowladda Soomaaliya lagu duminayo Habarta dhashay xataa Carabka in laga jaraa qabaa” ayuu yiri Cali Kadiye.

Si kastaba, arrintan ayaa abuurtay xasaasiyad xoogan, waxaana ka horyimid siyaasiyiin & qeybaga bulshada  oo sheegay inuu yahay mid colaad hurin ah oo aan la aqbali karin.