Somaliland oo billowday howlgal lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda koonfurta

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada Booliska Somaliland xalay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo lagu soo qab qabtay dad badan.

Howl-galkan oo si gaar ah loogu beegsaday dadka ka soo jeeda deegaan ahaan koonfurta ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan ganacsato, sida ay inoo sheegeen ilo degaanka ah.

Dadka la soo qab qabtay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la isugu geeyey garoonka Cabdi Bille oo ku yaalla magaaladaasi, halkaas oo su’aallo lagu weydiinayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay diideen in la booqdo dadkaasi, waxaana howl-galkan uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee Laascaanood.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan howl-galladaasi ay bilowday Somaliland inay ku beegsato dadka ka soo jeeda koonfurta.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay kordheen falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa weyn ee Laascaanood.

Si kastaba, Somaliland oo ka duuleysay arrintaasi, si looga hortego amni darrada ayaa guddi u saartay kooxaha ka dambeeya dilalka iyo weerarada ka dhaca halkaasi.