29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Erdogan oo daboolka ka qaaday arrin uu in muddo ah ka gaabsan jiray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Saxaafada kula hadlay caasimada koowad ee dalkiisa ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha Dowladiisa uu yahay inay gudaha usii galaan dalka Syria.

Recep Tayyip ayaa sheegay in ciidamada Turkishka loo geeyay dhulka Syria inay soo afjaraan Dowlada Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Recep Tayyip, waxa uu sheegay in Saxaafada ay mar waliba Su’aal ka weydiiso sababta ciidamada Turkishka loo geeyay Syria waxa uuna cadeeyay in taas ay ku khasabtay inuu ka hadlo arrinta Syria oo uu muddo ka gaabsan jiray.

Nuqul kamid ah hadalka Recep Tayyip ayaa ahaa “Dalka Syria uma aanan galin dano gaara, waxa uu u jeedkeenu ahaa in la soo afjaro xukunka al-Assad oo cabsi iyo argagax ku abuuray gobolka”

Recep Tayyip waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in Dowlada Turkiga aysan wax sheegasha ah ku laheen dhulka iyo ciidda Syria, waxaan doonaynaa oo kaliya caddaalad.

Haddalka Recep Tayyip ayaa imaanaya iyadoo inta badan uu ka gaabsan jiray shaacinta ujeedka ka danbeysay in ciidamadiisa ay galaan dalka Syria.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News