27.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Erdogan oo farmaajo hortiisa ka qiray inuu abaal u hayo Xasan Shiikh iyo shacabka Soomaaliyeed (Aqriso Sababta)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hortiisa ka qiray abaal weyn oo uu u hayo Madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliya.

Recep Tayyip Erdogan ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed mowqifkii ay ka qaateen inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay Bishii July 2016, markaas oo uu ku sigtay in afgambi lagu sameeyo isaga iyo dowladiisa, balse markii fashilmay markii shacabkiisa ay taageero weyn u muujiyeen.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, magaalada Ankara, wuxuuna xusay inuusan marnaba iloobi doonin abaalkas.

Madaxweyne Ordogan ayaa yiri: “ Maxaweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud, taleefoonka ayu iga soo wacay markii in qilaabka la isku dayey, wuxuu nooga tacsiyeeyey dadkii naga shahiiday, sidoo kalana Shacabka Soomaaliyeed waxay alle nooga baryeen inuu inqilaabka Fashilmom , midaasna waa abaal weyn oo aan u haleyno Soomaaliya” .

Taas badalkeeda, Ordogan ayaa  ballan qaaday heshiisyo cusub oo dhinacyada beeraha iyo xoolaha ay la saxiixaan doonaan Soomaaliya, wuxuuna tilmamay  madaxweynaha Turkiga in madaxweynaha Soomaaliya marka uu booqanayo Turkiga uu joogo gurigiisa labaad, taasoo muujineyso halka Soomaaliya ka joogto Madaxweynaha Turkiga.

Sida aad hoos ka arki kartana waxaa warbixintaan Barta Twitterka kusoo qoray websiteka ka hadlayo arrimaha Turkiga (Turki Post) qeybtiisa lagu qoro luuqadda Carabiga.

 

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News