ERDOGAN oo ka hor-yimid qorshaha Trump ee GAZA

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si weyn uga horyimid qorshaha uu damacsan yahay Donald Trump ee uu ku doonayo in shacabka reer Falastiin uga raro gudaha Gaza, si ay ula wareegaan Mareykanka iyo Israel.

Recep Tayyip Erdogan ayaa ganafka ku dhuftay hadalka Trump, wuxuuna shaaca ka qaaday in aysan jirin quwad reer Falastiin ka rari karto dhulkooda, ayna garab istaagi doonaan.

Sidoo kale waxa auu hoosta ka xariiqay in magaalada Gaza, Daanta Galbeed iyo bariga Qudus ay leeyihiin dadka reer Falastiin, isla markaana aan lagu xad-gudbi karin.

“Ma jirto quwad reer Falastiin ka rari karta dhulkooda, Gaza, Daanta Galbeed iyo bariga Qudus waxaa iska leh Falastiin” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan la yaabka leh Talaadadii lasoo dhaafay, intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo sheegay in Maraykanku uu “la wareegi doono” Gaza isla markaana dib u dejin doono laba milyan oo Falastiiniyiin ah.

Waxaa horey loo soo jeediyey in dadkaas la dejin doono Urdun iyo Masar, kuwaas oo ku gacan sayray. Hase yeeshee warbaahinta Israel qaarkeed ayaa werisay in laga yaabo in Mareykanka uu doonayo in dadka Gaza la geeyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, iyo Morocco.

Donald Trump ayaa sheegay in dhulka Falastiiniyiinta laga dhigi karo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo intaa ku daray suurta-galnimada in ciidamo Maraykan ah loo diro halkaas si loo fududeeyo hawsha.