Erdogan oo si adag ugu caga jugleeyay Donald Turmp & Dowladiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan, ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay cashar lama ilaaban ah u dhigeyso dalka Mareykanka.

Erdogan, waxa uu sheegay inay sii fogaan doonto rajada sanadihii danbe laga qabay xiriir dib danbe u dhexmara dowladaha Turkiga iyo Mareykanka.

Erdogan, oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah  ayaa tilmaamay in Turkiga ay ka maarmi karto Mareykanka, hase yeeshee ay la socdaan in Mareykanka uusan ka maarmi Karin Turkiga.

“Ka turki ahaan weynu ka maaranaa Mareykanka balse iyagu nagama maarman, weyna adkaan doontaa inaan dib xiriir ula sameyno”

Waxa uu intaa raaciyay inaysan u nixi doonin Mareykanka isla markaana ay ku jawaabi doonaan mid u dhigma ficilka ay sameeyan.

Erdogan, ayaa shacabka Turkiga u ballanqaaday inuusan u duleyn doonin Mareykanka, maadaama ay ku kala duwan yihiin dhaqan iyo diinba, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlaayay dhanka quwada ayuu sheegay inuu aaminsan yahay in dowlada Turkiga ay ka quwad badan tahay Mareykanka, balse aysan diyaar u aheyn inay banaanka soo dhigaan awoodooda.

“Sida uu Trump moodo maaha arrinku waxaanu rumeysanahay in Turkiga ay ka quwad badan tahay Mareykanka”

Sidoo kale, Erdogan waxa uu ku goodiyay in dowladiisa ay cashar lama ilaaban ah u dhigi doonto Trump iyo dowladiisa, waxa uuna ka digay inay kasoo gudbaan xadka loogu tallo galay, maadaama uusan jirin xiriir.

Geesta kale, Erdogan ayaa shacabkiisa ku booriyay inay is baraan ka maarmida dhammaan waxyaabaha uu soo saaro Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com