DFS oo shaacisay tirada ciidamada cusub ee lagu wareejin doono amniga MUQDISH

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in amniga magaalada Muqdisho ay la wareegi doonaan ciidamo cusub oo ka duwan kuwa hadda shaqeeya.

Dowladu waxa ay tilmaantay in ciidamadan ay yihiin kuwo da’yar isla markaana ka dhisan dhan waliba si ay ula dhaqmaan dadka shacabka ah.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka caasimadda ay la wareegi doonaan ciidamada aan kor kusoo sheegnay.

Waxa uu tilmaamay in afartii bil ee la soo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada gobolka Banaadir ka qayb qaataan wajiga Labaad 2,000 oo ciidamo Boolis ah.

Waxa uu tilmaamay in dowladu ay qorsheysay in amniga loo gacan galsho ciidamo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay bulshadu u hesho nabadgelyo buuxda.

Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay tallaabooyinkaasi u mareyso ka gun gaaridda ammaanka caasimadda, waxa uuna cadeeyay inay dib u habayn ku sameeyen maamulka iyo maaliyadda gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo degmooyinka Caasimadda.

Dhinaca kale, ciidamadan oo ku jira xiliga gabagabada tababarka ayaa waxaa ay howlgalintooda ka danbeysay kadib amar kasoobaxay Ra’isul wasaare Kheyre kaa oo lagu qoraayo ciidamo cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com