Biixi oo si dadban u burburinaya rajadii laga lahaa hakinta Colaada Sool

Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay garaneyso waajibaadka ka saran difaacashada Gobolka Sool oo taabacsan Somaliland.

Biixi waxa uu sheegay in Gobolka Sool uu leeyahay taariikh fog isla markaana adduunka uu la socdo cida xaqa u leh Gobolkaasi Somaliland iyo Puntland.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay garaneyso sida ay u xoreysan laheyd Gobolka Sool, balse aysan diyaar u aheyn in rasaas ay ridaan ciidamadooda ay waxyeelo u geysato dad shacab ah.

Waxa uu tilmaamay in aamusnaanta Somaliland ay ka turjumeyso lahaanshiyaha Gobolka Sool, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ciidamada maamulka ay xor u yihiin ku noolanshiyaha Gobolka iyo difaaciisa.

“Waxa aan ka hadlaayo waa wax aan anagu leenahay Sool taariikhdeeda cidna kama qarsana anigu waxa aan leeyahay difaaca Gobolka waa mid ay qeyb ka yihiin shacabka”

Waxa uu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay kusii nagaan doonaan dhammaan difaacyada deegaanka Tukaraq, waxa uuna meesha ka saaray in deegaankaasi uu ka baxaayo gacanta maamulka.

Sidoo kale, Muuse Biixi, ayaa dadka Gobolka ugu baaqay inay ilaashadan dhulkooda, isaga oo awood sheegashada Puntland ku si feeyay mid aan meel fog gaarsiisneyn.

Haddalka Muuse Biixi ayaa u muuqanaaya mid lagu burburinaayo rajadii laga lahaa xalinta Khilaafka labada maamul ee sababay dagaalka ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com