Sababta aaney u guuleysan karin qorshooyinka Amni ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadbadan waxaa ay qabaan in ay adagtahay in ciidamada Somalia ay ku guuleystaan sugida amniga, taas oo ka dhigan inaan sanadaha soo aadan laga maarmi karin ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aya maanta isbadal xoogan ku sameeyay ciidamada xooga, booliska iyo sirdoonka waana markisii labaad iyo sadexaad ee uu sidaa sameeyo.

Maxamed Cali oo ka tirsanaan jiray siroonka Somalia oo hada ku nool London ayaan weydiinay sida uu arko is babadalada ciidan ee uu sameeyay Farmaajo iyo hadii uu aaminsan yahay inuu isbadal ku imaan karo ciidamada Somalia.

Wuxuu aad u dhaliilay sida deg degta ah ee xilalka looga qaado madaxda ciidanka Somalia iyo nooca dadka loo dooranaayo ciidanka isagoo sheegay iney taasi dhali doonto in ciidanka Soomaaliya aaney waligood hanan amniga dalka.

“In miltariga 8dii biloodba masuul cusub loo dhiibo, si la mid ah Nabad Sugida iyo Booliska waxaa ay muujineysa hogaan xumo, waxey dileysa qorshooyinkii  ciidanka , waxa mar walba ka dhalan doonta habacsani iyo dib u dhac ayuu yiri.

“Waxyaabaha aan la yaabnay waxaa nooca dadka la rabo iney amni keenaan ee madaxda looga dhigaayo ciidamada,waa dad aan waligood fagaaro ciidan tagin oo aan barran shaqada ciidanka, Somalia umbaa ka jirta meel xilalka ciidanka dad caadi ah lagu tijaabiyo ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu sheegay inuusan ciidanku guuleysan karin hadii aan shaqada loo dhiibin dad mudan oo aan sidoo  kale la siinin waqti dheer oo ay ugu saldhigaan amniga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com