R/W Kheyre oo ballanqaaday in si degdeg ah ay albaabada ugu furi doonaan…

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ballanqaaday in dhismo degdeg ah lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabada Qaranka.

Ra’isal wasaaraha xukuumadda ayaa sheegay in dhismaha tiyaatarka iyo maktabada ay muhiim u tahay dalka, waxa uuna ku celcelshay in si dhaqsi ah lagu dhisi doono.

Wax uu Kheyre tilmaamay in dowladiisu ay ka dhabeyn doonto furida iyo yagleelida xarumaha muhiimka u ah shacabka.

“Mar waliba waxaa naga go’an inaan dib usoo celino xarumaha muhiimka ah waxaanu dooneynaa in shacabkeena aysan tabin xarun tiyaatar iyo maktabad Qaran”

“Waad la soctaan waxyaabihii aan horay idinkugu ballanqaadnay waan sameynay intooda badan kuwa harsan ayaanu u gudbi doona sida ugu dhaqsiyaha badan ayaanu ku dhisi doona”

Mr kheyre ayaa carabaabay dhismaha lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabadda Qaranka ay iska kaashan doonaan xukuumadda Somalia iyo waliba maamulka gobalka Banaadir si loogu wacyigeliyo buu yiri dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre, Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku wareejin doonaan khibradahooda marka ay majaraha ay u qabtaan dowladnimada dalkeena Soomaliya arintaasina ay hadda ka fekerayaan qaabka ay u marayaan maadaama aynaan la joogin.

Hadalkaan ayuu ka sheeegay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali kheyre munaasabad lagu soo xerayay carwada bandhiga buugaagta ee sanadkiiba mar lagu qabto gudaha magaaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com