Faarax Macallin oo banaanka soo dhigay dhibaatooyinka ay KENYA ku heyso Somalia

Nairobi (Caasimada Online)-Iyadoo ay sii kordhayaan eedeymaha isdabajooga ah ee loo jeedinaayo dowlada Kenya, ayaa waxaa eedey taa lamid ah jeediyay Hoggaamiyihii hore Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin.

Faarax Macallin, ayaa dowlada Kenya ku eedeeyay inaysan ka adkeyn ciidankeeda jooga Koofurta Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay qabtaan howlo ka duwan howshii loo diray ee nabad ilaalinta ah.

Faarax Macallin, oo qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay gabood fallo ka geystaan Gobolak Gedo, balse aanu jirin cid kula xisaabtanta dhibaatooyinkaasi.

Waxa uu sheegay Faarax Macallin in dhibaatooyinka ay geystaan ciidamada Kenya ay ka mid yihiin Kufsiga Haweenka,Dilka Dadka rayidka ah iyo leynta xoolaha.

Faarax Macallin, waxa uu tilmaamay in dhacdooyinkaasi oo idil ay indhaha ka qabsato dowlada Kenya iyo Saraakiisha horboodeysa ciidamada geysta dhibaatooyinka foosha xun.

Faarax Macallin, waxa uu Saraakiisha amaanka ee Kenya ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Ciidamada ka dambeeya dhibaatada joogtada ah ee loo geysto dadka rayidka ah.

“Kenya waa inay ciqaabtaa saraakiisha lagu helo in ay ka dambeeyaan arrintaas, waayo waxaanu suuragal ahey in indhaha laga qabsado dhibaato lagu hayo Umad jirta”.

Taliyaha Ciidanka Kenyan,Gen. Mwathethe, ayuu ku yiri “waa inaad si xawaaro leh u baartaa, tallaabana uga qaaddaa Ciidamada falkaas geystay”.

Ciidamada Kenya ayaa Bishii la soo dhaafay kaliya la sheegayaa in lix Haween ah ay ku kufsadeen Gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa  uu arrimahaani isbiirsaday ku sheegay mid ay Kenya ka indha qabsaneyso isagoo ku baaqay inay muhiim tahay in Kenya aysan dhaawicin derisnimada kala dhexeysa Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com