Erdogan oo weerar afka ah ku qaaday dowladda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa weerar afka ah ku qaaday dowlada Mareykanka kadib markii uu sheegay in garab aysan ka helin tan iyo markii dalka uu galay xaalad Afganbi ah.

Erdogan ayaa hadalkaani ka sheegay xarunta dhexe ee ciidamada Booliska gaarka ah ee Ankara oo kamid aheyd xarumaha ay duqeeyen Kooxaha Falaagada ah ee isku dayaayay Afganbiga waxaana xaruntaasi lagu dilay 47 askari oo Boolis ah.

Erdogan waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in dowlada Mareykanka aysan ka helin jawaab waafi ah markii ay ka dalbadeen in loo soo gacangalsho ninka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo lagu tuhmaayo afganbiga dhicisoobay.

Erdogan waxa uu sheegay in jawaab la’aantaasi ay muujineyso inuu jiro tuhun sii laba kacleeyay, maadaama ay dowlada Mareykanka isku dhajineyso Fethullah Gulen.

Erdogan waxa uu tilmaamay in dowladiisu ay xaq u leedahay inay hesho Fethullah Gulen waa haddii uu is hubo, balse uusan fileynin ficilka ay kala kulmeen Mareykanka.

Sidoo kale, Mr Erdogan waxa uu ku eedeeyay wadamada reer galbeedka in aysan taageero u fidin dadaalka ay uga hortageeso dawlada turkiga khatarta dheeraadka ah ee ka imaan kara dhaqdhaqaaqa kuwa taabacsan Gulen.

Waxa uu intaa raaciyayin in dowladiisa ay Kooxda Fethullah Gulen u aqoonsan tahay Kooxo argagixiso, islamarkaana ay kula dhaqmi doonaan waxa uu qabo sharciga argagixiso ee Turkiga.

Haddalka Erdogaan waxa uu yimid kadib markii dowlada Maraykanka ay Turkiga ka codsatay in ay soo gudbiyaan cadeymo ah ku lug lahaanshaha Gulen, iyaga oo tilmaamay in habka celintiisa Mareykanka u marayo wado sharciyeesan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com