Beelaha Hawiye oo isku raacay in Xasan aan dib loo soo dooran

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda kulamo aan caadi aheyn oo u dhexeeya Odayaasha Beelaha Haweye, gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda cadaadiska uu bilaabay Xassan Sheekh.

Odayaasha siyaabaha kala duwan ugu shirsan magaalada Muqdisho, ayaa kasoo horjeeda xanibaada Xassan Sheekh uu ku sameeyay iyo Siyaasada cusub ee uu dheelaayo Xassan.

Shirarka socda ayaa waxaa lagu nusqaaminayaa taageerada Xassan Sheekh, waxa ayna odayaasha ka shaqeynayaan sida uusan mar kale ugu soo laaban laheyn kursiga.

Odayaasha ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa mowqif ahaan ka mideysan inaan taageero loo muujin Madaxweynaha ahna Musharaxa u taagan Kursiga, iyaga oo ku eedeynaaya inuu yahay nin ku jiiftay islamarkaana ka hiiliyay.

Odayaasha shirsan ayaa waxaa ku jira lafo dhowr ah oo kasoo jeeda Beelaha Mudulood oo iyaguba aan la dhacsaneyn qaabka uu u shaqeynaayo Xassan Sheekh wakhtigaani ay dowladiisu tahay mid gabagabo ah.

Odayaasha ayaa waxaa shirarka socda ku wehlinaaya Inta badan siyaasiyiinta waawayn ee Beesha Hawiye kuwaasi oo iyaguna ka mideysan in Xassan Sheekh uusan talada wadanka ku soo laaban.

Goobaha ay ka dhacayaan Shirarka socda ayaa waxaan ogeyn Xassan Sheekh iyo Hay’adaha amaanka waxa ayna yihiin kuwo si qarsoodi ah qaarkooda uga socda magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa xiligaani wajahaaya mowjado kacsan waxaana suuragal ah inuusan kusoo laaban kursiga sababo la xiriira beelaha uu kasoo jeeday oo ku kacsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com