QM oo la kulantay musharaxiin uu ka mid yahay Farmaajo (Sawir)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, ayaa kulan wakhti yar qaatay la yeeshay Musharaxiin u taagan doorashada madaxtinimo ee Somalia.

Kulanka uu Micheal Keating la qaatay Musharaxiintaasi ayaa waxa uu uga xog wareysanaayay Hanaanka doorasho ee Somalia, kaalintooda ku aadan doorashada iyo waxa ay kusoo biirinkaraan Siyaasada Somalia, waa haddii midkood ay dhacdo inuu ku guuleysto doorashada.

Micheal Keating, ayaa kulankaasi la qaatay Mas’uuliyiin uu hogaaminaayay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia, Cabdulaahi Farmaajo iyo xubno kale kuwaasi oo uu ugu hambalyeeyay inay guul ka gaaran doorashada.

Qoraal aad u kooban oo lagu soo daabacay barta Twitter-ka Micheal Keating, ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid xog wareysi ah oo Mr Micheal Keating uu la yeeshay Musharaxiintaasi.

Qoraalka kooban laguma soo bandhigin faahfaahin dheer balse waxaa Sawirka Musharaxiinta ka muuqday xubno kala ah Farmaajo, Dr C/naasir Maxamed, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi, Cabdulaahi Farmaajo, Cali Xaaji Warsame.

Micheal Keating waxa uu amaan gaar ah usoo jeediyay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo, isaga oo ku amaanay sida uu ugu bisilyahay in dalkiisa ka saaro dhibaatada ka jirta.
Keting