Sawir qosol badan: Jawaari oo howsha qaran uga tagay alalaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Ujeedka sawir gacmeedkaani ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu muujinaayo safarkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ee uu ku aaday dalka Canada.

Sawiraaga sawirkaani waxa uu muujiyay in safarka Jawaari ee Canada uu ahaa mid ka qeybgalka arooska gabar uu dhalay, waxa uuna intaa raaciyay in qunful aad u weyn uu ku dhajiyay xarunta Baarlamaanka isaga oo horay ula sii safray furaha qunfulkaasi.

Jawaari waxa uu isna ku jawaabayaa in dhammaan howlaha Baarlamaanka ka door bidaayo arooska gabadhiisa, sidaana uu howsha Qaranka u tuuray, sida sawirka ku cad.
JAWA copy