Sawirro: Somalia oo yeelaneysa goobo lagu xanaaneeyo shinida

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Qardho kusii kordhaaya goobaha lagu xanaaneeyo Shinida laga dhaliyo Malabka sida aadka ah looga isticmaalo Somalia.

Goobaha magaalada Qardho ee Puntland looga dhaqdo shinida ayaa ah goobo aad u farabadan, waxaana sii kordhaaya tirada goobahaasi tan iyo wixii ka danbeeyay 2015.

Goobaha lagu xanaaneeyo Shinida ee ku yaalla magaalada Qardho waxaa kamid ah Kubo iyo Falax-falaxda oo gabi ahaantooda malabka laga soo saaro loo iibgeeyo gobolo farabadan oo dalka ka tirsan.

Maamulaha shirkada soo saarta malabka shinida lagu dhaqaaleeyo magaalada Qardho ee loo yaqaan Suweys, Cisman Cabdalla Maxamuud ayaa aad u amaanay qaabka ay howshooda u kala socto.

Waxa uu sheegay in Malabka saafiga ah oo ay soo saaran looga kaaftoomay kuwii macmalka ahaa ee laga keeni jiray dalka dibadiisa.

Malabka ayaa leh faa’iidooyin kala duwan, waxaana Qur’aanka lagu sheegay in uu yahay Daawo loo isticmaalo Cuduro kala duwan, waxaana dalka u baahanyahay in la hormariyo dhaqashada Shinidda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21