Guddiga doorashada oo jadwal cusub gudbinaya iyo walaaca jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga doorashada gaarka u ah ayaa kulan gaar ah la qaatay ergayga Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michel Keating, kulankaasi oo saacado qaatay.

Kulankaasi ayaa waxa alooga hadlayay arimaha doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya, waxaana sida qorshaha uu yahay gudigan bisha Agoosto ay gudbin doonaan hanaanka iyo jadwalka doorashada sanadkaan dhaceyso, walow walaac badan la muujinayo.

Gudiga gaarka ah ee doorashada ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay xubnaha beesha caalamka ee ku sugan dalka Soomaaliya, waxaana looga arinsanayay dardar gelinta doorashada sanadkan.

Micheal Keatinga ayaa xubnaha gudiga kula dardaarmey iney ka shaqeeyaan sidii doorashada ay ku dhici laheyd waqtigii lagu balamay, waxaana uu sheegay in beesha caalamka ay isha ku heyso waxyaabaha doorashada kasoo bixi kara.

Bisha Agoosto ayaa sida qorshaha uu ahaa waxaa la doonayay in laga dhamaado xulista xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana bisha Septembar la doonayaa in dalka uu yeesho madaxweyne cusub.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com