Xog: C/Weli Gaas oo Ethiopian u diray C/Samad Maxamed Gallan

Garowe (Caasimada Online) – Warar aan heleyno ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay kulan gaar ah uu dhexmaray saraakiil u dhalatay dalkja Ethiopia iyo hogaamiyaha mucaaradka Puntland C/Samad Maxamed Gallan.

Xogta ayaa sheegeysa in saraakiisha Ethiopian-ka ah ay ka tageen magaalada Garowe oo uu u diray madaxweyne Gaas, waxayna Mr Gallan ay kula kulmeen degmada Carmo.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Qunsulka Ethiopia ee magaalada Garowe iyo saraakiil ciidan ay kulankaasi la qaateen Gallan, kaasi oo ka dhaay degmada Carmo.

Ujeedada kulankaasi ayaa lagu sheegay iney tahay in wadahadal laga dhex furo madaxweyne Gaas iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Cali Gallan.

Kulanka oo mudo Saacado ah qaatay ayaa la sheegay inuu Natiijo la’aan ku soo dhamaaday ka dib markii la isku Afgaran waayay wadahadalka, balse waxaa jirta in Gallan lagu qanciyay yareynta dhaqdhaqaaqyada ciidan.

Saraakiil ku dhaw dhaw C/samad ayaa noo Xaqiijiyay in Arrimaha la isku mari waayay ay ka mid tahay in Itoobiya ay Gallan ka codsatay inuu tago Magaalada Garowe oo Maamulka C/wali Gaas Fariisin u ah balse Gallan uu ka biyo diiday,iyadoo uu u arko Shirqool la doonayo in lagu Xiro.

C/samad Gallan ayaa si weyn u ga soo horjeestay Xukumadda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com