Xog: Shariif Xasan oo dacwad iyo digniin loo jeediyay (Warbixin)

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaalaga gudbiyay dacwo ku aadan inuu faragelin ku hayo soo xulida xildhibaanada deegaanada koofur galbeed u matalaya baarlamaanka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ee Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa kaga digay madaxweyne Shariif Xasan inuu fagarelinta ka daayo soo xulida xubnaha baarlamaanka ee maamulka Koofur Galbeed kaga mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya.

Odayaasha oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegay iney wacwad ka gudbinayaan Shariif Xasan haddii uusan ka leexan howlaha odayaasha dhaqanka u yaala ee ku aadan keenida xildhibaanada Koofur Galbeed.

Sidoo kale waxay sheegeen in madaxweynaha uu leyahay ansixinta ugu dambeysa, balse aysan habooneyn inuu ku lug yeesho xildhibaanada ka imaanaya deegaanada Baay, Bakool iyo Shabelaha Hoose.

Odayaasha ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif Xasan uu sameeyay oday dhaqameedyo been abuur ah oo u keena xildhibaanada uu doonayo iney u matalaan baarlamaanka Soomaaliya ee sanadkaan.
Caasimada Online
Xafiiska Baay
Caasimada@live.com