Kenya oo Sharuud yaab leh ku xirtay Nabadda Soomaaliya (Aqriso)

Nairobi (Caasimada Online)- Kenya ayaa sharuud yaab leh oo ay ku raadsaneyso dhaqaalo badan ku xirtay nabad ka dhalata dalka Soomaaliya, kadib markii dhawaan midowga yurub uu shaaciyay inuu yareynayo dhaqaalaha AMISOM uu ku bixin jiray.

Aamina Maxamed, wasiirka arimaha dibada Kenya oo ka hadlaysay kulan New York ka dhacay ayaa sheegtay in nabad ka dhalata Soomaaliya ay ku xiran tahay taageerada AMISOM ee dhanka dhaqaalaha.

Aamina Maxamed ayaa sheegtay in dhaqaalaha dhawaan midowga Yurub ka jaray AMISOM ay keeneyso hoos u dhac ku yimaada dadaaladii nabadeed ee ka socotay dalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa muhiim ah inaan sii wadno maalgelinta Amisom iyo tilaabooyinka kale ee nabadeed ee ka soconaya Afrika maxaayeelay qarash kasta oo la dhimo wuxuu caqabad ku yahay nabad ka hirgasha qaaradda” ayey tiri Wasiir Aamina.

AMISOM ayaa cabashooyin badan jeedisay tan iyo markii EU ka jartay 20 % dhaqaalihii badnaa ee la siin jiray, waxayna iyagana sameeyeen iney baneeyaan saldhigyo badan oo Shabeelaha Hoose iyo Gedo ay ku lahaayeen.

Hadalka Kenya ayaa u muuqda ineysan dooneyn nabad ka dhalata dalka Soomaaliya oo ay doonayaan iney dhaqaalo badan ku helaan madaxa Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com