Erdogan oo weerar culus ku qaaday Max’ed Bin Salman “Islaamka isaga malaha”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo Telefashinka dowlada kala hadlaayay dadweynaha ayaa weerar dadban ku qaaday amiirka dhaxal sugaha Sucuudiga.

Erdogan waxa uu sheegay in marka diinta loo weecdo ay maalmahaani soo ifbaxayeen amiiro ka tirsan sacuudiga oo is laheysiinaaya diinta islaamka.

Waxa uu Erdogan u sheegay inuusan amiirka dhaxal sugaha Sucuudiga laheyn diinta Islaamka, balse ay tahay mid qof waliba oo muslim ah ay mas’uuliyad ka saaran tahay isla markaana laga doonaayo sida uu u ilaalin lahaa diinta.

Erdogan waxa uu tilmaamay in dowladaha islaamka laga doonaayo in arrimaha ku xeeran maslaxadooda Siyaasadeed ay ka weeciyaan waxyaabaha khuseeya diinta suuban, maadaama uu farqi u dhexeeyo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in fikradda ah in ay jirto diinta islaamka mid dhexdhexaad ah iyo mid aan habooneyn ay tahay wax ay reer galbeedka abuureen si ay u wiiqaan iimaanka dadka islaamka ah.

Amiirka dhaxal sugaha sacuudiga oo ka hadlayay shirkii maalgashiga ee lagu qabtay magaalada Riyadh, ayuu bin Salman wacad ku maray in uu ku soo celin doono Sacuudi Carabiya waxa loogu yeero (Islaam qunyar socod ah).

Sidoo kale, Erdogaan oo sifeynaayay ereyga qunyar socod ‘moderate Islam’ ayaa waxa uu sheegay inay reer galbeedka iska leeyihiin.

Erdogan waxa uu yiri ma jiro mid dhexdhexaad ah ama asal ah, Islaamku waa mid ujeedada isticmaalka ereyadaas waa in la wiiqo Islaamka.

Sidoo kale, Erdogaan oo kusii fogaanayay erayada amiirka dhaxal sugaha ah ayaa yiri “waxaa laga yaabaa in qofku ku sharaxayo fikraddan islamka in ay u maleeyeen in ay iyaga iska leeyihiin diinta. maya, maaha mid adiga aad leedahay” ayuu yiri Erdogan.

Dhinaca kale, Erdogaan ayaa madaxda dalalka Islaamka ah ku booriyay inay kala qaadan danaha Siyaasada iyo howlaha diiniga ah, maadaama diintu tahay mid muqadas ah, isla markaana khasab ah in la adeegsado ama lagu dhaqmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com