Daawo Sawirrada: Sida ay u socoto codbixinta doorashada maamulka Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan Hogaamiyihii 5aad tan iyo markii uu gobolkaasi ku dhawaaqay inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.

Shacabka ku hoos nool maamulka oo safaf dhaadheer ku jira ayaa maanta lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee Gobolada Somaliland, iyaga oo ku codeynaya Sanaadiiq la dhigay magaalooyinka iyo degmooyinka ay joogaan.

Codbixinta ayaa bilaabantay saakay abaare 6-dii subaxnimo, iyadoo la arkayey illaa xalay saq dhexe dad kusoo qulqulayey goobaha codbixinta si aanay safafka ugu dheeraan. doorashudana waa qof iyo cod.

Doorashadan waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah Muuse Biix oo ka socda xisbiga Kulmiye, C/raxmaan Cirro oo ka socda xisbiga Wadani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna ka socda xisbiga UCID.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Saciid Cali Muuse ayaa sheegay codbixiyeyaasha maanta codeynaya in aysan soo xiran karin astaan muujineysa xisbiga ay taageersan yihiin.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.