Maxaa ka jira in Turkiga uu qorsheynayey afduubka Fathullah Gullen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay dowlada Turkiga ayaa waxaa lagu beeniyay warar sheegaya inuu socdo qorsho ay dowlada ku afduubeyso wadaadka lagu magacaabo fethullah Gulen oo lagu eedeeyay afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Qoraalka oo kasoo baxay Safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Washington, ayaa waxaa lagu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Turkiga ayaa ku tilmaamay warbixintaas oo ay bahiyeen talafishinka NBC NEWS iyo Jariirada Wall Street mid aan waxba ka jirin oo lagu luminaayo xaqiiqda eedeysanaha.

Wargeyska Maraykanka ayaa warbixintiisa ku sheegay in la-taliyihii hore ee ammaanka qaranka Mareykanka Michael Flynn iyo wiilkiisa loo soo bandhigay lacag dhan 15 milyan oo dollar si uu gacan uga gaysto in si qasab ah looga soo qaado Mareykanka dibna loogu soo celiyo Turkiga wadaadka u dhashay dalkaasi.

Eedeynta ku saabsan in la maleegayay in Fethullah Gulen,loo gacangaliyo Turkiga ayaa markii ugu horreysay waxa shaaciyay bishii March agaasimihii hore ee CIA James Woolsey.

Safaarada ayaa sheegtay in qabashada fethullah Gulen ay dowlada u mari doonto sifo sharci ah, balse waxa ay beenisay inay qaadeyso talaabo sharci darro ah oo heer afduub gaarsiisan.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladu ay dooneyso fethullah Gulen, balse aysan diyaar u aheyn in la maro wado khaldan ka hor inta aan lasoo dhiibin wadaadka.

Dhinaca kale, Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa dowlada Mareykanka ku dhiirri galisay in ay soo wareejiyaan Gulen si maxkamad loo horkeeno eedeymo la xariirta isku daygii afganbiga sanadkii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com