Faallo: Iskuul dhigashadu macnaheedu mahan waxbarasho. Qeybti 3-aad

Waxaan qormadi kowaad si kooban ooga hadalnay dhibaatooyinka haysto waxbarashada adduunka iyo sida caruur badan loo hafro. Tii xigtay waxaan ku eegnay meelaha uu farqiga balaaran ka jiro iyo sababaha qaar ka mid ah. Middaan waxaan ku eegi doonnaa mid ka mid xalalka ay warbixinti Bankiga Adduunku soo jeedisay oo ah Qiimayn (measurement/assessment).

Maxay u jirtaa dhibaatada haysato waxbarashada adduunka? Maxaa keenay in ilmo afar sano iyo ka badan fasal fadhiyay wali u yahay ummi? Maxay bahda waxbarashadu mushkiladahaan xal ugu la’yihiin? Mid ka mid ah sababaha ugu weyn waa inta badan waddamada adduunku aysan lahayn nidaam lagu ogaado kan waxbaranayo iyo kaan baranayn. 121 dal oo xog-raadin lagu sameeyay, hal-sadexaad (40 dal) kaliya ayaa yeeshay keyd-xogeedka (data centre) waxbarashada dugsiayada hoose/dhexe.

Si tani loo xalliyo, inkastoo aysan ku filnayn inay baabi’iso dhibka oo dhan, waa in helaa nidaam qiimayn oo sugan. Nidaamyada adduunka ka jiro hadda waxay soo gudbiyaan is-diiwaangalinta laakiin masoo gudbiyaan barashada. Maxaa yeelay barashadu kuma jirto xogta la hayo. Sidoo kale, tayada barashadu xisaabta uguma jirto siyaasiyiinta  iyo shaqaalahooda . Taasi waxaad ka dheehan kartaa qaabka siyaasiyiintu ooga hadlaan waxbarashada. Waxay had iyo jeer cabbiraan tirada ee ma sheegaan tayada iyo barashada.

Waxaad maqashaa siyaasiga oo leh waxaan dhisi iskoollo badan, fasallo ayaan kordhin, caruur badan ayaan iskool geyn, intaas oo macallin ayaan howl galin, waxaan kordhin mushaarka macallimiinta, laakiin maqli maysid iyagoo marna tilmaamayo waxa la barto iyo tayada waxbarashada (innaga booska siyaasiyiinta xagga ballanqaadka waxaa noo fadhiyo hayadaha samafalka). Haddii aysan jirin qiimayn sugan oo dadkoo dhan u furan, waligeed la ogaan mahayo tayada waxbarasho, siyaasiyiintuna sidaas ayay dadka u harowsan. Cilmi-baaris lagu sameeyay Kiinya ayaa tusisay in in ka yar kala bar ardayda dhigato fasallada afraad ay ka shaqayn karaan xisaabta ay ku qaateen casharada, saas oo ay tahay, sadex-meelood labo (2/3) waalidiintu waxay aaminsanyihiin in dowladdu waxbarsho tayo badan siiso warasadooda. Sabatu way iska caddahay; xogta kaliya ay helaan waxaa siiyo siyaasiyiinta. Si taasi looga gudbo loona ogaado gunta barashada waa in la sameeyaa qiimayn dhowr lakab ah.

Qiimayn fasal: qiimayntaan waxaa samayn macalimiinta waxayna ka caawin inay ogaadaan ardayga fariidka fahamada badan ah iyo kan culaysku ku jiro ee u baahan gacan-qabasho. Waxaa badan in arday u dhashay fahmo culays uu qabbiro mid faahin ah si fududna meelo sare ku gaari lahaa. Baaritaan lagu sameeyay iskoollo ku yaal Delhi (Hindiya) ayaa laga helay fasal ay wada fadhiyaan arday qaarkood u qalanto lixaad, qaarna shanaad hadana isku cashar qaadanayo. Tani lagama wado kii dammiin loo arko ha la tuuro fariidkuna horay ha u socdo ee waxaa looga jeedaa caruurta ayaan la isu dabrin ee mid walba wax uu qaadi karo ha la siiyo iyagoo isla fadhiyo. Qiimaynta ceynkaan ah waxay anfici kan fahamada yar in ka badan kan famada  badan waayo wuxuu heli gacan qabasho iyo taakulayn uusan heleen markii aan xogtiisa la hayn. Haddii iskoolladu qiimaynta ceynkaan ah sameeyaan, waxaa dhici inay si wacan u maareeyaan tas’hiilaadka ay heli karaan iyo inay xogta la wadaagaan waalidiinta si ay cawimaad dheeraad ah u siiyaan warasadooda.

Qiimayn Dagmo: qiimayntaan waxay noqon mid lagu sameeyo iskoollada heer dagmo. Natiijada soo baxdo ayaa noqonayso midda go’aaminayso martadiisa. Tallaabadaan abuuri mayso tartan fayow oo iskoollada dhexdooda ah kaliya, balse sidoo kale waxay fursad doorasho siin waalidiinta oo warasadooda gaysan iskoolka qiimaha leh. hadda waxaan iskoollada ku  dooranna qof aan qaraabo nahay ayaa macalin ka ah iyo qolo aan isku caqiido nahay ayaa maamusho.

Sidoo kale, haddii ay jirto cid dhaqaale ku taageerto sida dowlad ama hayad, waxaa lagula xisaabtami waxqabadkooda. Haddii aysan waalidiintu hayn xogtaan lama xisaabtami karaan iskoolladooda, waxayna u haysan in kuwoodu aduunka ugu sarreeyaan. Baaritaan lagu sameeyay Yugaandha ayaa tilmaamay in sadex-afraad (¾) waalidiintu ku qanacsanyihiin tayada iskoolladooda iyadoo rubuc (¼) kaliya caruurta dhigato fasalka afraad ay ka shaqayn karaan xisaabta lagu qaato fasalka labaad.

Qiimayn heer qaran ah: middaan aad ayay muhiim u tahay. Waa qiimaynta lagu jaangooyo miisaaniyadda dowladdu ku bixinayso waxbarashada iyo gobollada loo badinayo. Waa midda lagu dajiyo baahida waxbarsho ee uu dalku qabo iyo meelaha u baahan in xoogga la saaro. Waa midda tusayso in madaxdu fuliyeen ballanqaadyadoodi iyo in kale (innaga booska dowladda waxaa noo joogo hayadaha samafalka ciddii doontaba ha lahaatee). Waa midda adduunku arko laguna qiimeeyo heerka uu waddaankaas kaga jiro waxbarshada adduunka. Haddii aysan jirin wax xog heer qaran ah oo waddan laga hayo laguma daro qiimaynta adduunka. Waa sababta aadan marnaba ugu arkayn dalkeenna marki laga hadlayo martabooyinka waxbarasho ee caalamka.

Haddaba soo tan dalkoo dhan imtixaanno laga qaado?

Qiimaynta iyo imtixaannada hadda la qaado waa kuwo loo naqshadeeyay in caruurta lagu ciqaabo ama lagu abaal mariyo. Waxay kala saaraan ilmaha dhacay iyo kan baasay ee ma eegaan sababaha. Sidaa darteed waligeed wax lagama barto, waayo eedda waxaa la saaraa ardayda iyo waalidiintood. Canugii dhaco isagaa dadaali waayay ama waalidkii ayaa la haray oo aan siin wixii taageero uu u baahnaa ayaa lagu doodaa. Ma jirto cid hoos u dhugato sababta dhacniinka keentay iyo cidda ka masuulka ah. Ma jirto cid horay usii qiimaysay si loo ogaado baahidiisa iyo kartidiisa waxbarsho. Sidaa awgeed waxaa loo baahanyahay mid taasi ka duwan oo ujeedkeedu yahay cashar barasho iyo hagaajin. Intaas waxaa dheer ma jirto meel dhexe oo lagu kaydiyo imtixaanada la qaado lamana martabeeyo iskoollada ee waxaa lasoo qoraa kaliya ardaydu sideey u kala korreeyeen.

Dabcan waxaa la iswaydiin karaa sida waalidiintu xogta ku heli maadaama aysan intooda badan wax akhrin? Jawaabtu ma cusla. Muhiim maahan in waalid walba warqarwarqad u arko warbixinnada soo baxo ee waxaa muhiim in inuu ogaado meesha wax marayaan. Taasi waxay ka ogaan karaan idaacadaha dalka. Marki la daabaco warbixin cusub iyo martabaynta iskoollada waxaa caadiyan laga sii daayaa dhamaan inta idaacad ah, dadkeennuna waa ku fiicanyahay war dhagaysiga sidaa darteed waxba seegi mahayaan.

Dalkeennu ma yeelan karaa nidaam caynkaan ah waqtigaan?

Nafta looma been sheego, waanadana waaqiciga ayaa lagu dhisaa. Duruufaha siyaasadeed, kuwa amni iyo kuwa dhaqaale ee hadda dalkeennu ku jiro dartood suura gal maahan inuu hadda yeesho qiimayn heer dagmo, gobal ama mid qaran ah. Laakiin waxaa sahlan in la sameeyo mid fasal, iyadaana hadda noogu daran oo caruurta u dan ah. Haddii maamulayaasha iyo madaxda iskoolladu ilaahay ka baqaan iskuna dayaan inay hagaajiyaan tayada iskoolka ay gacanta ku hayaan way samayn karaan, qiimayn fasal fasal ahna way u sahlantahay waqti iyo qarash dheeraad ahba ha u baahaatee.

Waxaan kusoo xirayaa qormadaan, dhammaanteen masuuliyad ayaa innaga saaran in caruurteenu hesho waxbarsho tayo leh. Maahan inaan cid gooni ah ku hallayno mana ahan inaan ku aaminno macalimiinta iskoollada iyo maamulayaasha kaliya. Waalidiinta waxaa saaran inay booqdaan iskoollada ay warasadoodu dhigato, waxbixinna waydiistaan. Macalimiinta iyo milkiilayaasha iskoolada waxaa saaran inay xalaal ka dhigtaan kasabkooda oo ay hafaryada ka daayaan caruurta. Wixii tabar loo waayo cidna uma haysato laakiin eedda joogtada ah ee caruurta iyo waalidiinta la saaro qayb ha qaateen isbadalna ha isku dayeen.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
Ishire86@gmail.com