Sacad Xariiri oo go’aan cusub ka qaadanaaya iscasilaadiisa kadib warar laga baahiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sacad Xariiri oo ku dhawaaqay horraantii bishaan inuu iska casilayo xilka ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa inuu dalkiisa ka bixiyo aragto wanaagsan.

Sacad Xariiri oo si weyn uga hadlay markii ugu horreysay go’aankii uu isku cesilay, ayaa waxa uu sheegay inuu ku laabanayo dalkiisa maalmaha soo socda si uu si rasmi ah istiqaaladiisa ugu gudbiyo mas’uuliyiinta Lubnaan.

Wareysi uuu la yeeshay telefishinka Al-mustaqbal ee ku yaalla caasimada Riyad Sacudi Carabiya, ayaa Mr Xariiir waxa uu beeniyay wararka sheegaya inuu u dhaqmayo sida nin ku hoos jira maamulka Sacudi Carabiya.

Waxa uu sidoo kale sheegay ra’iisal wasaaraha iscasilay in ay suuragal tahay inuu ka laabto go’aanka uu isku casilay.

Balse waxa uu sheegay inay taasi ku xiran tahay haddi xisbiga uu taageero dowladda Iran ee Xisbulaah uu ogolaado inuu faraha kala baxo collaada uu ka hurinayo gobolka.

Sacad alXariiri ayaa si kadis ah xilkii ra’iisal wasaaraha isaga casilay 4 bishaan Noveember, kaddib bayaan uu ka jeediyay idaacad ku taalla Sacudiga.

BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com