Erdogan oo qarxiyay sir badan oo uu maalmahaani qarinaayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa warbaahinta dalalka carabta warbixin dheer kasiiyay qorshaha laga lahaa Afganbintiisa iyo sida ay wax u dhaceen.

Erdogan waxa uu sheegay in qorshaha la dajiyay uu ahaa in marka hore la duqeeyo Hoteelka uu ku sugnaa, kadibna weerar lagu qaado Madaxtooyada sidaana lagu qabsado maamulka dalka Turkiga.

Erdogan waxa uu sheegay in xiliga uu weerarka dhacaayay isaga iyo qoyskiisuba fasax 5 maalmood ah ku maqnaayeen habeenimadii Jumcaha abaarihii tobankii fiidnimo lagu wargeliyay in dalka uu ku jiro xaalad adag.

Erdogan waxa uu sheegay in goortii lagu soo weeraray Hoteelka ay Kooxaha falaagada ah dileen laba kamid ahaa ilaaladiisa khaaska ah sidoo kalane ay waxyeelo gaarsiiyen kuwa kale oo ku sugnaa Hoteelka.

Erdogan waxa uu Saxaafada ka cadeeyay in halis uu galay islamarkaana uu ku sigtay in Kooxda Falaagada ay disho, isagoo arrintaasi ka hadlaayay waxa uu yiri ”Falaagadu waxa ay qorsheynaayen in marka hore ay naga takhluusiyaan kadibna ay u sahlanaato inay la wareegan dalka hadii aan Hoteelka kusii sugnaan lahaa 10 ilaa iyo 15 daqiiqo oo dheeri ah waa ley dili lahaa ama gacanta ayaa leygu dhigi lahaa”

”Anigu kama cabsaneynin in dalka uu ka baxo gacanteyda waxaan aad uga cabsi qabay in Shacabka ay galaan gacan cadow, dalkuna uu isku bedelo mid ay cadowga dalka iyo kuwa dibada ka adeegtaan, waayo waxaan ogahay in maamulka hadda ku fashilmay afganbinta uu yahay mid cadowga kaalmeeya”

”Diyaar uma ihi in Turkiga ay gabaad u noqoto kuwa kasoo horjeeda jiritaanka Shacabka Turkiga iyo kuwa Argagixisada ah”
Erdogan waxa uu sheegay in dowladiisu ay ka gaashaaman doonto in mar kale uu dhacdo falkii hadda dhacay ee lagu fashilmay.

Dhanka kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu ku goodiyay in kuwa inqilaabka sameeyay iyo inta taageertayba ay muteysan doonaan ciqaab taariikhi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com