Xog: Jeneral Gabre oo fadeexad ay ku dhex qabsatay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Wasaarada Gaashandhiga Xukuumada Somalia, ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Max’ed Aadan Axmed uu Wasaarada ka eryay Gen. Gabre oo halkaasi tagay sabab la’aan.

Sargaalka aan xogtaani kasoo xiganay oo goobjoog u ahaa dhacdadaani ayaa sheegay in xiliga uu Xarunta Wasaarada imaanayay Gabre uu halkaasi ka socday shir aad u weyn oo ay wada qaadanayeen Taliyayaasha ugu sareysa ciidamada Milliteriga iyo Saraakiisha.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa si lama filaan ah Xarunta kusoo gaaray Gen. Gabre oo aan sii sheegin booqashadiisa, waxaana lasoo sheegayaa in lagu xareeyay qol ku dhexyaala Wasaarada islamarkaana wax laga weydiiyay cida uu la balansan yahay iyo ujeedka uu Wasaarada u imaaday.

Gabre ayaa sheegay inuu maqlay in Wasaarada uu ka dhex socdo kulan ay wada leeyihiin Taliyayaasha ugu sareysa ciidamada Milliteriga iyo Saraakiisha sidaana uu kusoo abaaray xarunta.

Sargaalka goobjooga ahaa ee aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegay in Gabre lagu amray inaanu xarunta ka dhex bixikarin inta laga amro bixitaankiisa, hayeeshee waxaa markii danbe xarunta laga saaray isaga oo la bahdilay.

Dadka bahdilay Gen. Gabre ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Sargaal lagu magacaabo Cali Baashi kaasi oo Gabre uga digay in mar kale uu xarunta Wasaarada soo booqdo ballan la’aan waxa uuna sidoo kale ku amray inuusan imaankarin xarunta xitaa haddii ay dan kasoo gasho.

Gen. Gabre oo ah Basaaska ugu weyn ee Dowlada Ethiopia ugu dhex jira Madaxda Soomaalida ayaa waxaa la sheegayaa in ujeedkiisa ugu weyn uu ahaa inuu ka qeybgalo shirka ay wada qaadanayeen Taliyayaasha ugu sareysa ciidamada Milliteriga iyo Saraakiishooda.

Gabre ayaa doonaayay in xogaha uu kasoo uruuriyo shirkaasi uu la wadaago Dowlada Ethiopia, hayeeshee Taliska ciidamada Milliteriga oo Dowlada Ethiopia u arka cadowga koowaad ayaa ka hortagay damaca basaaskaasi lagu magacaabo Gen. Gabre.

Dhanka kale, talaabada uu qaaday Taliyaha Ciidamada Xooga ee lagu eryay Gabre ayaa waxa ay guul usoo hoyisay Dowlada Somalia oo iyadu markii hore aheyd mid u duleysan Gen. Gabre iyo xulafadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com