XOG: Wasaarado ka tirsan DF oo isku beddelay mukhalasiin ka…

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helaayo qaar kamid ah shaqaalaha dowlada Federaalka ah ee Somalia, gaar ahaan kuwa ka howlgala xarumaha Wasaaradaha ayaa laga soo xigtay in inta badan xarumahooda ay ka dhex socdaan shaqooyin kale oo aan waafaqsaneyn howlaha Qaranka.

Wasaaradaha qaar ayay sheegen in lagu dhex iibiyo Fiisooyin isugu jira Waxbarasho, Caafimaad iyo kuwa laga iibsho muhaajiriinta dooneysa inay kaga dhoofan dalka Somalia si ay u gaaran dhowr dal oo laga sii tahriibi karo.

Wasiirada qaar ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin wakaaladaha dadka safriya, halka qaarna ay leeyihiin shabakado ka shaqeeya safrinta dadka u baahan dhoofka.

Dadka laga iibiyo Fiisooyinka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu xiro wakaalada si halkaasi ay uga sii jartaan tigidka safarka.

Wasaaradaha ugu badan oo ay howshaani ka dhex socto ayaa waxaa kamid ah Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Wasaarado kale oo aan qoraal lagu soo koobi karin.

Fiisooyinka la kala iibsanaayo ayaa waxaa loogu tallo galay in lasiiyo dadkii xaqa u lahaa ee waxbasha doonka ahaa.

Inta badan Wasaaradaha Xukuumada Somalia ayaa u muuqaal eg kuwo u furan qaabab ganacsi, waxaana mar waliba meesha ku dhiban dadkii shacabka ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan jirin mas’uuliyad gaar ah oo ay dowlada Federaalka iska saartay ku dhaqanka cadaalada si dadkaasi Fiisooyinkooda la iibsanaayo ay xal u helaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com