Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan oo soo saaray baaq deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta booqday Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan dadka kusoo barakacay magaalada Muqdisho, ayaa baaq deg deg ah soo saaray.

Saameynta ka dhalatay Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sabab u noqotay in kumanaan Caruur ah lasoo daristo Nafaqo darro, taas oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka.

Ergeyga ayaa ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

“Wafdiga Ergayga ayaa Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed uga war bixisay baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Ergeyga.

“Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada.”

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, ayada oo dhanka kale sheegtay in ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Carruurtaan nafaqo darada lasoo daristay ee la keenay Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa badankooda laga keenay gobolada dalka, oo ay ka jirto xaalad abaareed daran.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada, deegaannada qaar ayaa laga soo warinayaa in dadka ku sugan ay la’yihiin waxa ay cabaan halka kuwa kale ay ka baro kaceen deegannadii ay degnaayeen.