Warbixin: Qorshe shirka Cadaado looga saarayo Ergooyinka oo socda iyo odayaasha oo diidan

Muqdisho (Caasimada Online)-Cowke Xaaji C/raxmaan oo ah madaxa amniga Gudiga Farsamada Shirka, ayaa goordhow sheegay inay wadaan qorsho ay Ergooyinka qaar uga soo saarayaan Hoolka uu shirka ka socdo.

Cowke Xaaji, ayaa sheegay in Hoolka shirka ay ka buuxaan Odayaal farabadan oo aan ogolaansho ka heysan Beelaha ay kasoo jeedan, waxa uuna tilmaamay in hoolka ay u joogan carqaladeynta shirka.

Qorshahaani ayaa ah mid walaac galiyay Ergooyinka qaar, waxaana jiro warar sheegaya in Gudiga Farsamada Shirka loo gudbiyay liis dheer oo ay ku xardhan yihiin inkabadan 20 Odayaal oo aan la garaneynin qaabka ay shirka uga soo qeyb galeen iyo cida usoo xulatay inay wakiil uga noqdaan shirka.

Magalaada Cadaado ayaa hadda la ciirciireysa Dad aad u farabadan oo isugu jira Ergada ku howlan Dhismaha maamulka Gobalada Dhexe iyo Xubno u hanqal taagaya ka mid noqoshada Maamulka halkaas kasoo bixi doona.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeyso xili maalmo ka hor ay Odayaasha shaaciyeen in Madaxweyne Xassan uu shirka ka damacsan yahay dano gaar ah, islamarkaana ay jiraan cadaadin ay wadaan Gudiyada shirka loo xilsaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com