Xog: Siyaasad cajiib ah oo kooxda Damu-Jadiid ay Cadaado ka billowday oo aad looga qeyliyey

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in Xubnaha DF Somalia ka jooga Magaaladaasi ay bilaaben Siyaasado cusub oo ay ku kala soocayaan Ergooyinka shirka.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Xubnahaasi ay Ergooyinka ku tashkiilinayaan in marka hore ay ogolaadaan in loo dhiso Baarlamaankii u codeyn lahaa Musharaxiinta, marka xigtana looga baahan yahay inay taageeran shaqsiga goortaasi loo xusho inuu Madaxweyne ka noqdo G/Dhexe.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan kasoo xiganay Ergooyin kala duwan, ayaa sheegaya in ujeedka dhismaha Baarlamaankaasi uu yahay in kaliya lagu diiwaan galiyo xubno ay si gaar ah u wataan Damjadiid, kuwaasi oo inta badan shuruudaha lagu diiwaan galinaayo ay noqon doonto inay u codeyn doonaan C/kariin Xuseen Gulleed.

Cabdi Nuur Axmed oo kamid ah waxgaradka ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa sheegay inay socdaan Heshiisyo hoose oo xubnaha DF Somalia ka jooga Cadaado kula jiraan Ergooyinka, waxa uuna farta ku goday in arrintu ay tahay Oraahdii aheyd nin dooran yaa doorta idin yiri.

Wuxuu cadeeyay inuu goob joog u ahaa Xubno ilaa 18 Odayaal ka dhaadhicinaayay inay la imaadan xubno uga mid noqdo Baarlamaan la sheegay inuu socdo dhismaha qorshihisa, islamarkaana lagula balamaayay in xubnahaasi aysan ka hor imaan Siyaasada gaarka ah. Dhanka kale, waxa ka digay in Siyaasadaha sida qarsoodiga ah ay Damjadiid uga dhex wadaan shirka Cadaado ay sabab u noqoto burbur iyo Khilaafyo hor leh oo soo kala dhex gala Ergooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com