XOG: Axmed Madoobe oo u hanjabay xildhibaan caan ah oo ka tirsan baarlamanka SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Odayaasha kasoo jeeda Beesha Gaaljecel, ayaa inoo xaqiijiyay in Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu u goodiyay Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo kamid ah Mudanayaasha BF.

Ilo xogagaal ah oo ka tirsan Beesha ayaa Caasimada Online u sheegay in Jeesow uu ka hadlay dhibaatada ka taagan Baarlamaanka cusub ee Jubba iyo Beelaha qaar ee aan xubintooda ka helin, taasina ay sababtay in Axmed Madoobe uu caro kala dul dagay Xildhibaanka.

Axmed Madoobe oo caqabad u arka Xildhibaan Jeesow, ayaa waxa uu ugu goodiyay inuusan cagta soo dhigi karin Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Jubba, inkastoo warar hoose ay tibaaxayaan in Jeesow uu dhankiisu ku goodiyay in arrinta Baarlamaanka Jubba maalmaha soo socda la horgeyn doono BF.

Siyaasadaha is diidan ee u dhexeeya Axmed Madoobe iyo Jeesow ayaa ah mid horay usoo taagneyd, waxaana la aaminsan yahay in arrintaani ay sii xoojisay buuqa ka taagan dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Abuukar Bashiir oo kamid ah Odayaasha ayaa sheegay in hanjabaadahaani ay dhalin karaan dhibaatooyin baaxad weyn, waxa uuna sheegay in ka Odayaal ahaan ay gartaasi ku jiraan islamarkaana ay xal raadinayaan.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe dhankiisa looga baahan yahay inuu dhameystiro xubnaha beelaha qaar ay ku leeyihiin Baarlamaanka si meesha looga saaro Khilaaf iyo dood laga keeno Baarlamaanka Jubba. Dhanaka kale, Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo maalmo ka hor Maamulka Jubba uu yeeshay Baarlamaan ay inta badan muran ka keeneen beelaha dega Jubooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com