25 C
Mogadishu
Wednesday, July 2, 2025

Daawo Video: Muuqaalkii ugu horreeyey ee laga duubay markii uu dhacay Qaraxii Garoowe + Xog

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Caasimada Online ayaa heshay muuqaalkii ugu horreeyey ee laga duubay qaraxii dhowaan Garowe ka dhacay ee ay ku dhinteen 7-da qofood oo isugu jiray shaqaale Soomaali & ajnabi ah oo u shaqeynayey hay’adda Q/Midoobay u qaabilsan daryeelka caruurta ee magaceeda loo soo gaabiyo UNICEF.

Muuqaalkan filimka ah oo la duubay isla markii uu qaraxu dhacay, ayaa muujinaya in dadkii ku dhintay ay ka soo daaheen baabuurtii gurmadka aheyd.

Shaqaale ka tirsan hay’adaha samafalka ee ka howlgala Garowe  wuxuu sheegay in dadka qaarkood la badbaadin karayey haddii ay heli lahaayeen gurmad degdeg ah.

“Qaraxu markii uu dhacay dadka intooda badan waxeey u dhinteen dhiig bax, waxaa lagala soo daahay gurmadkii, gurmadkii ugu horreeyey ee soo gaaray wuxuu ahaa gaari uu qof leeyahay, mana jirin gaari (Ambalaas) ah oo goobta yimid” Ayuu yiri masúulka u shaqeynayey hay’ada samafalka, wuxuuna xusay in heerka gurmadka degdeg caafimaadka ee Puntland uu aad u hooseeyo.

“Garowe waa Magaalo yar oo 10 daqiiqo gudaheeda la isaga gooshi karo; siddeey ku dhici kartaa in Magaalo intaas la eg laga waayo Ambalaas dhaawaca soo gaarta” Ayuu yiri.

Muuqaalka filimka, waxaa ka soo dhexmuuqanaya markii uu qaraxu dhacay shacab & askar ku soo xoomay gaariga; iyada oo la maqlayo taaha & riinka dadka dhaawaca ah, waxaanna ugu horreyn gaariga laga soo dajinayaa qof dumar ah; baabuurka ugu horreeye ee soo gaarayana waa baabuur Toyoto ah.

HOOS KA DAAWO YOUTUBE

- Advertisement -

Read more

Local News