Maxay u baahan yihiin reer Waqooyi G/Gaduud?!

Dadka reer waqooyi Galguduud shir uma baahna ee waxay u baahanyihiin badbaadin, aayo ka tashi iyo ismaamul.  
Haddii shir wax keenaayo reer Gedo ayuu miro u keeni lahaa, Midnimo 1, 2, 3, iyo 4 waxba ma soo kordhin, sababtuna waxay tahay inaanay shirarkaasi aragti iyo ajende dhab ah midna lahayn, idinkana waxaan idiinka digayaa haddii aad tihiin reer waqooyiga Galguduud inaad dhabahaas qaadaan.
Sababta  madaxweynaheena Xasan firdhiye uu ugu soo noqnoqonaayey Dhuusamareeb iyo Cadaado waxay ahayd inuu idinka faquuqo walaalihiinii aad maamulka la samaysan lahaydeen ee waliba sida soomaalinimada ah idiinku soo dhaweeyey magaalada dhuusamareeb, isagoo adeegsanaya wasiirkiisa arrimaha gudaha Odowaa iyo beesha uu wasiirkaasi ka soo jeedo ee Cadaado.  Madaxweynuhu wuxuu ka aar goosanayaa colaadii  iyo dagaalkii dhexmaray Shirdoon iyo C/Weli,  isagoo idinka idiin aanaynaya.  Madaxweynuhu wuxuu shir uga furey Cadaado beelihii ay heybta wadaageen isagoo taladii gobolkaas si kas ah banaanka idinka dhigey.
Hadaba maxaa idinla gudboon:-
Waxa idinla gudboon in aad dhisataan ismaamul madax banaan oo idinka xoreeya cunsuriyada iyo duudsiga uu idinku wado madaxweynaheena Xasan firdhiye ee shaqadiisu ku soo ururtay inuu kala faquuqo oo kala qeybiyo beelaha walaalaha ee soomaaliyeed meel kasta ay ka deganyihiin dalka.  Baaq la soo saaro, shirar aan ajende lahayn oo la iclaamiyo iyo guddiyo la magacaabo midna wax ka tari maayo duulaanka qaawan ee Xasan Shiikh (Xasan firdhiye).
Waxaa loo baahanyahay in si deg deg loo qaado talaabooyinkan soo socda:-
1- In ugaaska deegaanada Waqooyinka Galguduud (C/waaq, Balanballe, Dhabad iyo Ban geelle) oo la tashanaya siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo dhamaan bulshada uu iclaamiyo in deegaanadaasi  dhisanayaan ismaamul aayo ka talineed.
2- In la qorsheeyo in 45 casho gudahood lagu soo doorto madaxweynihii iyo ku-xigeenkii ismaalulkaas.
3- In la qorsheeyo in soo xulida iyo xaflada caleemasaarka baarlamaanka ismaamulkaas ay ku dhacdo muddo 10 casho gudahood kadib xaflada dhaarinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
4- In Baaralamaanku go`aan ka gaaro magaca iyo caasimada ismaamulka.
Wadada loo marayo dhismaha ismaamulka (road map):-
1- In si deg ah loogu yeero golihii guurtida ee deegaanadaas ee dooran lahaa Madaxweynaha,  ku-xigeenkiisa, iyo baarlamaankii ismaamulkaas,  isla marakaasna loo diyaariyo xaruntii shirarka iyo dhismaaha maamulka lagu qaban lahaa.
2-Si aan ismaamulka loogu kala qeybsamin waa in golaha guurtidu ka koobnaadaa dhamaan jifooyinka deegaanada  (Jifadiiba ugu yaraan 5 xabnood).
3-In si deg deg loo magacaabo loona howl galiyo gudigii farsamada iyo qabanqaabada dhisida ismaamulka.
4-In si deg deg loo magacaabo loona howl galiyo guddidii qori lahayd dastuurka  ismaamulka, isla marakaasna soo sameyn lahaa calankii iyo astaantii ismaamulka.
5-Madaxweyne Xasan firdh
iye markuu ogaado inaad aayihiina ka tashanaysaan wuxuu xamar idiinka soo diri doonaa adeegayaashiisii si ay idiin kala firdhiyaan.  Waa in dadkaas laga digtoonaadaa.
Gabay:
Dhaliil aan u jeedinaayo dadka soomaaliyeed guud ahaanba meel ay joogaan iyo madaxdoodaba:-
 
ULUULIDA ALAALIXIDA TUBAN, ARIGAN SOOMAALI.
EE AAN AQOON KALA HAGTIYO, ILI U SOO JEEDIN.
ISU TAGA ABAABULA SHIRWEEYN, AAYO KAMA REEBA.
ARXAN DARAN AGOONTEEDA CUNA, HOOSTA KA ABEESO.
IIDAHA ISLAAM LAGU MATAAL, JAMACA AAMIINTA.
ARAGAAGU GOORTUU KA TAGO, CUNA ARWAAXAAGA.
MID IIBSADEY ALAAB IYO DILAAL,  INA ADEERLEEYA.
 
ILOOW BADAN SIDII NAAG UMULA, FOOSHA KU ILMEEYA.
UGAAR DHAGA LA` UUB LOO QOD DHEER, DABINNO LOO AASA.
WAX MA ARAGTO ISU QABA ILA DHEER, AQALKA LOO SOO GAL.
ALWAAXDIYO  DADKAAS XAABADA AH, E ISLA AMIIRA.
IFKA MARATO AAKHIRANA NAAR, LAGU AABLSIIDA.
ANUUNBA U EEDAAMAYEE, MALAHA IIMAANE.
ABWAAN GUHAAD CABDI GAHAYR.
 
Qore: Xuseen Caroog (Xuseen Gurey)
Sweden. aroog6@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid