Fitnadii Federaalka oo ka dhex bilaabatay Shariif Xasan iyo Muungaab (Maxaad la isku hayaa?) !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Nidaamka dowlad Goboleedyada iyo Federaalka ku dhisan ee Soomaaliya qaadatay waxay dad badani ka digeen inuu yahay nidaam loogu talogalay in Soomaaliya lagu sii qeybiyo, isla markaana keeni doono fitno dagaalo sokeeye oo dib uga curta Soomaaliya iyadoo la isku qabsan doono degaanno qabiil ku saleysan. Laakiin wax kastuu nidaamkani noqon lahaaba waxaa hareeyay qorshe la’aan iyo degdeg ay hormuud u yihiin hogaamiye kooxeedyo iyo siyaasiyiin jago doon ah.

Ilaa iminka ma jiro maamul si nidaamsan oo sharci ah loo sameeyay ama loo raacay sharci qoran oo tilmaam ka bixinaya qaab dhismeedka maamulada la doonayo inay dalka ka hir galaan oo ay ka mid noqdeen federaalka. Waxaad moodaa in qorsheyntii ay ka hor martay shaqadii, sharcigiina laga hor mariyay rabitaankii dadka yar. Waxan oo dhami waxay dhacayaan iyadoo aanay jirin:

1. Sharci xadidaya inta maamul ee dalka yeelanayo

2. Guddiyadi kala xadeyn lahaa gobolada iyo maamulada la dhisayo

3. Dowladii Federalka oo awood u lahayn inay hagto qaabka dalku ku socdo oo dowlado dano kale ka lihi ay hor boodayaan

Waxaa la yaab noqotay in maamulka Koonfur Galbeed ee KMG ah oo uu madax ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay durba ku dhaqaaqo inay iskeed u calaameyso xuduuda ay la leedahay Gobolka Banaadir. Tallaabadani waxaa iyana looga hortegay qaab awood ah oo ka darran iyadoo maamulka Gobolka Banaadir adeegsaday inuu astaamihii maamulka K/Galbeed burburiyo..!

Waxaa marka aan macquul ahayn in K/Galbeed isku mashquuliso xuduud iyadoo maamulkani bilow yahay isla markaana howlo badan oo waaweyn u yaalaan, sida horumarinta adeegyada degaanada uu ka taliyo, iyo nabadgelyada wadadda isku xira Baydhaba iyo Muqdisho oo xaalkeeda la ogyahay, laakin waxaad moodaa in tallaabadani ay tahay qorshe ay ka danbeeyaan xubno qorshe gooni ah wata oo cadaawadi kala dhaxeyso mas’uuliyiin gaara oo Gobolka Banaadir ku sugan.

Mas’uulka howshan ku dhaqaaqay waa Wasiirka Ganacsiga G/Galbeed C/laahi Sheekh Xasan oo laf ahaantiisu fadhigiisu yahay Muqdisho, talaabada uu qaaday waxaa lagu tilmaami karaa inuu ugu jawaabayo dad uu u dan leeyahay oo dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo, laakiin waa astaan dhiilo sidata oo hordhac u ah nidaamka federaalka ee la doonayo inuu dalka ka hirgalo, fitnada nidaamkanki wato haddii aan sharci loo helin lagu xakameeyo waxay ku filan tahay inay Soomaalidu isku mashquusho rubuc qarni kale.

C/llaahi Sheekh Xasan iyo C/fataax Geesey waxaa cad inay si weyn ugu kacsan yihiin madaxweynaha dowladda Federaalka oo arrimo badan ka tabanayaan iyo inay doonayaan inay awooddooda muujiyaan xilligan wax waliba isku qasan yihiin laakiin wasiiryaalow shaqadiinu haka weynaato yoo-yootan siyaasadeed iyo is muujin.

Kasoo qaad in Koonfur Galbeed xuduudkeedu cad yahay, xaqna u leedahay inay dhulkeeda ilaashato, kuna soo rogto sharciyo maamulada ay deriska la tahay, haddiina ay sidaas arrintu tahay maxaa Gobolka Banaadir u xal ah…?. Xamar waa caasimad dhulkeedu aad u yar yahay marka loo eego gobolada kale ee ku xeeran, waxayna ku tiirsan tahay gobolada ku xeeran sida labada Shabeele oo nolol u ah, iyadana waxaa ku tiirsan dhammaan gobolada kale. Sida wax u socdaan ma aha mid rajo fiican muujineysa, waxaase fiicanaan lahayd in jilayaasha fitnada federaalka aanay xumaanteeda noo soo hor marin ugu yaraan.

Isha: Goobjooge