DF Soomaaliya iyo KENYA oo heshiis ku gaaray Nairobi iyo dowlada Kenya oo lagu qasbay in…

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa hishiis kale ku kala saxiixday dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlada Kenya kaasi oo ku aadan dib usoo celinta qaxootiga Kenya ku sugan.

Ilyaas Bare Shiil, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Kenya ee laga soo doorto deegaanada Soomaalida ayaa sheegay in hishiiskaasi uu dhigayo in dib loo eego hadalkii kasoo yeeray dowlada Kenya.

Wuxuu sheegay in kulan ay la yeesheen xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugan Kenya ay isla garteen in aad looga fakaro sida surto gal u tahay soo celinta Soomaalida Kenya qaxootiga ku ah.

“ujeedadii shirka wuxuu ahaa dadka qaxootiga ku nool Dhadhaab oo dhawaan Ruto uu ku dhawaaqay in la celinayo kulamo saacado ah ayaan qaadanay, dadkaasi waxaan ognahay iney nus qarni halkaan joogaan marka suurto gal ma ahan in rubuc qarni kale sii joogaan”ayuu yiri xildhibaanka.

“waxaa lagu hishiiyay in lacag la raadiyo oo si degen loo celiyo dadkaasi maadaama ay kasoo tageen dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin wali ay ka taagan yihiin, laakiin jiro dhibaatooyin kale oo dadkaasi lagu qabo sida iney ku dhumaaleystaan dadka argagixisada”ayuu yiri Ilyaas.

Sanadkii 2013 dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR ayaa hishiis seddex geesood ah ku gaaray magaalada Nairobi, kaasi oo dhigayay in dadka doonaya kaliya lagu soo celiyo dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com