Faah-faahin: Dagaal culus oo ka dhacay Taleex

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Magaalada Taleex, ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleedyo, waxaana la tilmaamayaa inay ku dhinteen Lix qof, halka todoba kalana uu kasoo gaaray dhaawac kala duwan.

Sheekh Maxamed Aadan oo kamid ah odayaasha Taleex, ayaa sheegay in iminka ay magaaladu xasiloon tahay, kooxihii dirirayna ay ku kala sugan yihiin fariisimo magaalada gudaheeda.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan, ayaa sheegay in dagaalku u markii hore iskii u istaagay, ay hada ku dhex jiraan sidii labada dhinac waan-waan looga dhex-bilaabi lahaa odayaal iyo waxgarad ka kala yimid deegannada kale ee gobolka.

Ma aha markii ugu horaysay uu labadaani beelood dhex maro dagaal ceynkaani ah, inkastoo kan uu ka duwan yahay dagaaladii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com