XASAN SHEEKH oo ka hadlay arrin halis u keeni karto shacabka Soomaaliyeed ee dibad jooga ah

Muqdisho (Caasimada Online)- Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa waxaa lagu cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen Maleeshiyaadka ururka ISIL oo dalka Libya ku diley in ka badan 25 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bishan April 19-keeda.

Nuqul kamid ah ayaa waxa uu u qornaa “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falkan waxashnimada ah. Falkan ay ku kacdey kooxdan argagixisada ah waa dembi weyn oo bahalnimo ah. Falkani waa burcadnimo la huwiyey magaca aydoloojiyad aan waxba ka jirin. Waxaa cad in kooxda ISIL ujeeddadeedu ay tahay oo keliya inay faafiso fariin waxashnimo iyo dhibaateynta dad aan waxba galabsan. Waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada; waa bahalo quuta dhiigga wiilasheena iyo gabdhaheena,”

Madaxweynaha waxaa sidoo kale uu sheegay in argagixisanimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahan in si wadajir ah waajib la isaga saaro sidii loola tacaali lahaa.

Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya oo ah dal ay waxyeelo uu ka soo gaarey falal argagixisonimo, ay si dhow ula shaqeyn doonto beesha caalamka si loo burburiyo kooxaha argagixisada.

Waxaa sidoo kale lagu yiri “Soomaaliya waxay balanqaadeysaa waajibaadka ka saaran la shaqeynta waddamada Afrika, isla markaana aysan aqbali doonin in kooxaha argagixisada ay gabaad ka dhigtaan waddanka”

”Waxaan u taaganahay inaan waddamada Afrika kala shaqeyno baahida sugidda amniga. Waxaan garab taaganahay mabaadii’da caalamiga ah ee dhowrista xoriyadda, in laga hortago tacaddiyada, taageerada ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha,”

Hadalkaani ayaa dhanka Beesha caalamka u noqon kara wanaag, waxa uuna sidoo kale dhibaatooyin farabadan usii abuurayaa Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalalka ay awooda ku leeyihiin Maleeshiyaadka Daacish, isagoona walaac hor leh galiyay shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com