WASIIR kashifay siyaasadda DFS ee CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo warar kala duwan uu kasoo baxaayo Khilaaf hoosaadka u dhexeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha Maamulkaasi Maxamed Xaaji Xuseen.

Wasiirka waxa uu sheegay in ujeedka DF Somalia ay tahay inay kala dhantaasho Odayaasha kadibna ay ka dhex faa’iideysato islamarkaana ay sii laba jibaarto faragalinta shirka.

Waxa uu sheegay in uusan aqbaleynin faragalin siyaasaded oo lagu sameeyo Shirka Maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ee ka soconaya Magaalada Cadaado, waxa uuna Tilmaamay in Madaxweyne Xassan uu dhaqaalo adag ku bixinaayo sidii Odayaasha dhaqanka u doortaan C/kariin Gulleed, hayeeshee taasi waxa uu ku sheegay mid aan socon doonin.

Wuxuu soo hadal qaaday wararka la xiriira in ujeedka wufuuda ay ugu soo laalaabaneyso Cadaado ay tahay inay kala sifeeyan Odayaasha, sidaana ay ku dhaqan galiyaan Siyaasad uu usoo wakiishay Madaxweyne Xassan.

Sidoo kale, waxa uu horay u sheegay in DF Somalia ay ku cadaadisay arrimo dhowr ah, balse ay ka biyo diideen, hadana ay muuqato in dhamaan arrimahaasi ay u fulineyso qaabab qarsoodi ah.

Hadalka Maamulka Ximan iyo Xeeb waxa uu imaanayaa iyadoo horay Odayaasha Deegaanka ay uga digeen dowladda dhexe inay faragalin ku sameyso Maamulka Mudug iyo Galgaduud.

Shalay ayey ahayd markii uu musharaxnimadiisa Magaalada Cadaado kaga dhawaaqay Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/kariin Guuleed oo ka mid ah lataliyaasha Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com